About

NOLASHII SHIRE JAMAc AxMED.

 

Shire Jama Ahmed wuxuu ka mid ahaa dadkii halganka  weyn u soo galay in AF Somaliya la qoro, weliba xuruufta laatiinka oo ah midda aan hadda wax ku qorno. Marka halkan waxaan idiinkuga sheegeyna Qoraha noloshiisii iyo halgankii uu u soo maray qoritaanka farta Soomaliga.

 

 Shire Jama wuxuu ku Dhashay magaalada Gallaadi ee carriga soomaalida ee itoobiya kamid ah sanadka markuu ahaa 1936.  Halsano kadib isaga iyo qoyskoodi reer Jaamac waxey u soo wadda guureen magaalada wardheer. Aabihiis wuxxu ahaa  nin ganacsade ah oo lawada yaqaan. 

Shire asga oo wiil yar ah wuxuu quraanka ka bartay magaalada wardheer, isla magaaladaasna uuna dugsiga hoose ku dhameystay, iskool ingiriis lagu dhigi jiray.

Markii dhulka soomaalidu ay dagto, uu ingiriisku ku wareejiyey Itoobiya, dagaalkii labaad kadib, ayaa qoyso badan ku wareegeen magaalada Dhuusomareeb ee gobolka galgaduud. Kadibna shire Jaamac  waxaa loo wareejiyey magaalada muqdisho. Dugsiga Macalin Jaamac ayuu shahaadada dugsiga dhexe ka qaatay sanadka markuu ahaa 1946-1949.

 

1951 wuxuu macalin wax bara ka noqday xuruunta SYL ee magaalada Dhuusamareeb, isagoo dadka wax ku bari jiray carabiga iyo fartii soomaaliga ee cusmaaniyada lo yiqiin.

1953-1956 Shire wuxuu arday ka ahaa “ Machadka  darasatul Islaam” oo Xamar ka furnaa oo ay ka dhigi jireen macalimmin ka socotay Jaamacadda Al- ashar ee dalka Masar.  1956-1957 wuxuu waxbarashada beeraha u aadaey Masar. Hal sano ayuu ku maqnaa, kadibna uu ka soo tagay halkaas.

!957-1959 wuxuu macalin ka noqday dugsiga xaafadda Boondheere ee Magaalada muqdisho, kadibna wuxuu waxbarasho hal sano ah ku soo qaatay Jaamacadda ku taal magaaladda London ee dalka Ingiriiska (School of Oriental and African studies).

Ololihii ugu weynaa uu u soo galay farta soomaliga qoristiisa  waxey dhacday sanadku markuu ahaa 1959-1967, waqtigaas oo uu shire Jama isku howlay in uu sameeyo  Baaritaanka sidii loo heli lahaa far habboon, ee lagu qori doono af-soomaaliga.

Ka fakirka iyo wax ka qorista farta soomaaliga, Shire wuxuu billabay isaga oo da’yar, waxaase  arinaatsi sifiican ugu sii balaaratay, kadib markii ay macalimiintii Maraykanka ee dalka joogay ka dalbadeen in uu afsoomaaliga baro, kuwaas oo loo yaqiin “Peace Corp”. Waxey ahaayeen macalimiintaas kuwo si isdaba joog ah looga soo diri jiray Dalka Mareykanka, waxeyna wax ka dhigi jireen Dhamaan dugsiyadda dalka oo dhan. Waxeyna daneynayeen in ay bartaan afka soomaaliga.  Arintaas kadib ayaa waxaa dhacdey in ay ku dhiiro galeyaan shire in la qoro afka soomaaliga, Isaga oo noqday barehii ugu horeeyay ee iyaga wax u dhiga.

 

 

 

Sidaas owgeed, ayyey ku kaliftay inuu ku diyaariyo casharo badan af-soomaali, waxeyna dhalisay in at ka dalbadeen waraaqo badan oo cashar diyaarin kaliya ah, waana tan dhaxlisay in uu noqdo dadka la soo xigto markasta oo loo baahdo in la qoro afka soomaaliga.

Qoraaladii uu sameeyay waxaa ka mid ahaa buugaag yar yar oo taxane ahaa lana oran jiray “iftiinka aqoonta”, oo uu toddoba (7) u kal baxda, waqtiyadii udu dhaxeysayna 1962-1967, kuna qornaa af –soomaali, Halgankii Nolosha, laguna daabacay Qaranka, Xamar, 1973, Rooxaan, lagu daabacay Madbacadda Qaranka, Xamar, 1974 Naxwaha af-soomaaliga iyo dhowr iyo toban bug oo la wali ladaabicin lana rajiynayo in sidda ugu dhaqsaha badan ladaabaco.

Taxanayaashii Iftiinka Aqoonta waxay noqdeen kuwii ugu horeeyay ee lagu faafiyo laguna daabaco qoraal aad u horumarsan iyadoo la adeegsanayo xuruufta laatiinka ah, sheekooyin dhaqameed, maahmaaho, gabayo iyo suugaano kala duwan.

1967-1971 wuxuu waxbarasho u tegay dalka Midowga soofiyeeti (Ruushka), jamacadda Lemonosev University.

Sanadka markuu ahaa 1972 ayaa waxaa lagu dhawaqay in la hirgeliyo farta laatiinka ee uu doodi jirey Shire Jamac in la qaato. Wuxuu kolkaa kadib Shire ka mid noqday dadkii ugu horeeyay, ee loo qaato Guddiga af-soomaaliga. Ka dibna wuxuu noqday Gudoomiyaha Akadeemiyada dhaqanka iyo tacliinta sare. Wuxuu jagooyin ka qabtay wasaaradda arrimaha dibedda, isagoo loo magacaabay Lataliyaha arrimaha dhaqanka ee safaaradha kala ahaa Qaahira (Cairo), Baqdaag (Bagdad) iyo Stockholm (Sweden).

Ragii ay halganka wada galeen waxaa ka mid ahaa;- Goosh, Professor B.W.Andrzejewski, Galaal, Yasiin Cusmaan Kenadiid, iyo rag kale oo badan oo  ay nu halkaan ku soo koobi Karin oo doonayay in af soomaaliga laatiinka lagu qoro markii baaritaan badan lagu sameeyay kadibana uu shire ku guuleystay. Raggaas waxa ay inaga mudan yihiin xasuus ayaga oo u soo dagaalamay shaqadheerna ka qabtay sidii loo heli lahaa far soomaali ah. Haddaba waxaan Ilaahay ka baryeynaa intooddii dhimatay in Ilaahey uu godka aaqiro u nuuriyo naxariistii janadana ka waraabiyo. Inta noolna abaal ay nagga mudan yihiin halgankii ay u soo mareen farta soomaaliga oo aynu fudeydka u qaadanay.

Allaha unaxariistee Shire Jamac Axmed wuxuu ku geeriyooday magaalada istooklom (Stockholm) ee waddanka Sweden sanadku markuu ahaa 1999 bishii janauary. Waxaan Ilaahayna uga baryeynaa in uu abaalkii uu ummadda soomaaliyeey uu usoo galey ka abaalmariyo iyo Sida uu noloshiisa ugu hurey Horumarinta dalkiisa iyo dadkiisaba aamiin.

                                                                                                                             2008.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Recent Posts

Recent Comments

Archives

Categories